.

.
 

Walaalaheega muslimiinta ahoow qof walbo anaga naga mid ah waa kii geerida dha-dhamiyaa.
Qoka markuu dhinto sidaan ognahey waxaa loo hogaamiyaa gurigiisii saxda ahaa, dadkana waa laba nooc ama waa naf wanaagsan oo ilaaheedii caabudey oo ah ahlu janah, ama waa naf xun oo ilaaheydii ku caasisey oo ahlu naar ah, allaha naga dhigo kuwii janada ku kulma dhamaanteen AMEEN AMEEN .


Aan ku bilowno nafta wanaagasan ee Ahlu-janada ah qaabka ay u geeriyooto iyo sida malaa’igta ula dhaqanto.

Markii sakaraadka la gaaro waxaa soo dagto malaa’igta nafta qaada oo uu hogaaminaayo malakul mowt, waxey soo fadhiistaan qofka madaxiisa agtiisa (meel ay ishiisa ka arki karto wax). 

Waxaa u soo dhawaanaayo malakul mowt, markaas buu u yeeraayaa naftii wanaagsaneed asigoo ku dhahaaya : “Naftii wanaagsaneedeey soo bax, u soo bax Ilahey aan kuu careesneen, u soo bax ilaah raali ahaanshihiisa !! ” markaas bey naftii wanaagsaneed jirka ka soo baxeesaa !! sida weelka dhibicda biyaha ah ey uga soo baxdo.

Markuu malakul-mowt naftii soo bixiyo waxaa isla markiiba ka qadaaya gacantiisa malaa’igtii la socotey iyagoo wata maro kafan ah oo caraf badan lagana soo qaadey janada, kuna qaadaayaan naftii wanaagsaneed ruuxdeeda.

waxey ula cararaayaan samada koowaad, idin bey ilaahey u waydiinaayaan in samada loo furo. waa loo furaayaa, malaa’igta joogtey samada kowaad ayaa ku wada dukaneesa, oo wasey u sii sogootinaayaan samada ku sii xigta, ilaa ay samada rabi ku suganyahey ay ka tagto. 
ka dib waxey la kulmeesaa naftii wanaagsaneed rabigeeda oo waxey salmaaeesaa Ilaahey iyadoo ku salaami doonto salaan Ilaahnimo oo waxey dhihi doontaa : “ILAAHEYO ADIGAA SALAAM AH, NABAD GALIYONA XAGAAGA KA AHAATEY, ALHAYOO WAX WALBO WAAD KA HUFNAAtEY ADIGAA AYEEY WEYNAAN KUU SUGNAATEY”. 

Kadib Ilahey haduu doono sajuud buu u idmaayaa naftaas wanagsan. Ka dib baa waxaa lagu qoraa magaciisa kitaabka Janada. Ilaahey baa oranaayaa : “adoonkeega magaciisa kitaaba ciliyiin ku qora, una celiya dhulka asigoo raali ah, dhulka ayan mar labaad ka soo saari doona”.

Markaas baa naftii wanaagsaneed loo soo celiyaa dhulka.

Naftii wanagsaneed waxey goob jog ka noqotaa meydka inta la dhaqaayo oo dhan, waxeyna dhahdaa: “I dadajiya.. I dadajiya, I geeya gorigeega !!” markaas baa la doogaayaa.


Markii la duugo naftii wanaageed waxaa qabriga la galaaya ruuxdeedii, oo waxey maqleysaa saan qaadka qofka ugu danbeeya.

Markii dadka ka tagaan waxaa u imaanaaya qabriga laba malag oo aad u ad-adag (FATANAA ALQABRI) waxyna waydiiyaan sadex su’aalood oo kala ah :

1- Rabigaaga waa kee? 
2- Diintaaa waa tee? 
3- Nabigaaga waa kee ?. 

markaas beey naftii wanaagsaneed waxey ku jawaabtaa: “Rabigeega waa ilaahey, diinteedana waa Islam, Nabigeegana waa Mohammad SCW”. Markaas bey dhahaayaan labadii malag: “Run baa sheegtey, sidaas baad ku noolaatey, sidaas baad ku dhimatey, sidaas baa lagugu soo saari doonaa”.

Markaas baa Qabrigiisa loo waasiciyaa ilaa meesha ay ishiisii qabato ayaa loo waasiciyaa, waxaana loo gogli doonaa firaash qurux badan, markaas ayaa naftii wanaagsaneed waxaa u imaan doonno qof dhalinyaro ah oo wajigiisa aad u qurux badanyahey oo aad u caraf badan, markaas buu ku leeyahey naftii wanaagsaneed: “Ku bishaareeso wax ku farax galiya!!” markaas bey naftii wanaagsaneed dhaheesaa “wajigaaga waxaa ka muuqdo kheyr ee kumaa aheed?? ” markaas buu dhihi doonaa: “aniga waxaan ahey camalkaagii wanaagsanaa ee aduunyada aad ku qaban jirtey”.

Ruuxdii wanaagsaneed Markaa ka dib baa naarta looga furaayaa irid oo la dhahaayaa: “fiiri meeshaas uu ilaahey kaa leexiyey oo kaa badbaadiyey !!” sidoo kale hadane waxaa loo furaayaa Ilabaab dhinaca Janada oo waxaa la dhihi doonaa: “fiiri waxuu ilaahey kuu diyaariyey.” 
Alla nasiib badanaa qofkii ilaahey siiyo Jano. Ilaheyoo naga dhig kuwii janada loogu bishaareeyo, Amiin Amiin Amiin yaa rabi.





Post a Comment

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete

 
Top

Dhagayso oo Follow garee boga aan ku leenahay Sound Cloud ka: Dhag Sii Halkan..

X