.

.
 

Waa sidaas qofka Muslimka dhaqankiisa........ cibaada'da Rabi oo uu
joogteeyo, ku sugnaado shareecada Rabi, ku toosnaado Diinta, Alle uu caabidayo
Bil walba aysan u kala soocneyn bilaha, meel walba oo joogana uu Alle ku
caabudayo, waxa uuna dhib dhab u rumeysan yahay Rabi bisha Ramadaan uu yahay
Rabiga bilaha iyo Maalmaha kale,



قال تعالى : { فَاسْتَقِمْ كَمَا أُمِرْتَ وَمَنْ تَابَ مَعَك.. } هود 112 ,
وقال: { ... فَاسْتَقِيمُوا إِلَيْهِ وَاسْتَغْفِرُوهُ... } فصلت 6
.Mar haduu
dhamaaday Ramadaan waxaa jira maalmo kale oo ayagna fadligooda iyo wanaagooda
wata, sida Maalinta Isniinta iyo Khamiista oo la soomo, Maalinta Caashuuraa,
Maalinta Carafa iyo kuwa kalaba, Sido kale haduu dhamaaday Taraawiixdii iyo
tahajudkii aad tukan jirtay , waxaa marna kaa dhamaaneynin Salaatu leyl oo aad
tukatid Habeen walba fadligiisa iyo Ajarkiisa wata, bal qaar Cumada ka mid ah
Salaadaan oo latukada waxa ay ku tilmaamayaan in ay tahay Salaad Suna ah oo la
isku adkeeyay ,Nabiganaصلى الله عليه وسلم
waxa uu
leeyahay Tukada Salaada Qiyaamu leylka ,Sababtoo ah waa hab dhaqankii dadkii
Saalixiinta ahaa ee idinka horeeyay , Rabigiina waa mid idiin dhaweeneysa,lugna
dhaafayo Xumaantiina iyo Dambiga ,dawaana u ah jirka.رواه الترمذي وأحمد  


Waxa kaloo Nabiga صلى الله عليه وسلم
yiri asaga
oo ka hadalayo Salaada Qiyaamu leylka.Salaada ugu fadli badan Salaadaha la isku
waajabiyay kadib waa Salaada Qiyaamu leylka ah,Nabigana صلى الله عليه وسلم
waxa uu ahaa mid tukado asaga oo safar ah iyo asaga
aanan safar aheyn, Waxaana dhacaday sida uu utakanayay Salaadan uguna
da'daalayay in Cibihiisa ay dil'dilaaceyn markii la waydiiyayna oo lagu yiri
waa Rasuula'laah maxaad sidaa iskugu galeysaa? soo dambigaagii hore iyo
kaagaagii dambe la guuma dhaafin? waxa uu ku jawaabay. Miyaanan ahaaneyn Adoon
Rabigiisa ku Shugriya!!!!!!متفق عليهwaa Rasuulkii Rab iصلى الله عليه وسلم
, Anagana
xagee joognaa Allaahu Mustacaan!!!!!!!!.



Xassan Bisri waxa uu yiri Camal ka adag habeenkii qofka in Salaatu leyl
tukado iyo in uu Xaalo baxiyo majiro,waxaa la waydiiyay kawaran baa layiri
dadka habeenkii tukada wajiyadooda waa ay soo ifaan, waxa uu yiri sababta ay u
soo u ifaan waxa tahay , Habeenkii bay Rabigooda kali la noqdaa, markaas buu
Alle u xiray Nuur oo Nuurkiisa ah.



Ibraahim Ibnu Adham ayaa nin ku yiri, Ma awooda in aan habeenkii Tukado ee
waxaad ii sheegtaa Daawadeeda? Waxa uu ugu jawaabay, Maalintii ha suubin
Macaasi , Rabi asagaa kugu toosinayo inaad habeen hor istaagtid, Rabi oo la hor
istaago habeenkiina waa wax yaabaha ugu farashafta badan, Qofka Macsiloogana ma
is taahelo in la siiyo Sharaftaas.



Waxa uu kaloo yiri, Qofka waa uu dambaa'baa, markaas baa loo diidaa in uu
habeenkii tukato,maalintiina uu Soomo.



Fu'deyl Inbu Ciyaad waxa uu asagana yiri, Hadaadan awoodin inaad Habeenkii
tukato, maalintiina aad soonto,waxaad tahay qof loo diiday oo garda'duub u xir
xiran, waxaana kuu xir xiray Du'nuubtaada .



Salaatu leylka waa Cibaado qofka qalbiguusa ku xireysa Rabi, qofkana waxa
uu awood u yeelanayaa wax walba oo dhib ah uu kala kulmo Aduunyadaan
dhalanteedka ah in uu ka gudbo,Naftana ku tarbiyeeyo in ay kali la noqoto
Allihii abuuray xili dadka ay hurdaan, Xili uu Alle u soo dagayo Samaa'u Dunyaa
uuna oranayo yaa wax iwaydiisanayo oo aan siiyaa, yaa dambi dhaaf i
waydiisanayo aan u dambi dhaafaa, dadka wakhtigaas Rabigooda la kali noqda oo
waxay rabaan waydiistaan waa uu amaanay


أمّن هو قانت آناء الليل ساجداً وقائماً يحذر

الآخرة ويرجوا رحمة ربه قل هل يستوي الذين يعلمون والذين لا يعلمون إنما يتذكر

أولوا الألباب

) .


Hadaba hadii hada la dhaafay wakhtii bixinta Zakaatul Fadriga ,waxaa kuu
furan bixintii Zakadii waajibka aheyd,sidoo kalana waxaa marna kaa xirmin
bixintii Sadaqada. Sunooyinkii iyo waxyaabo badan oo Rabigaaga aad ku gaari
kartid raali ahaanshihiisa, Quraankii aqrintiisana kali kuma aha Bisha Ramadaan
waa shay lagaaga baahan yahay wakhti walba iyo xili walba .



Walaalayaal aan ku da'daalno xili walba iyo wakhti walba wax yaabaha
wanaagsan ee liibaanteyna Aduun iyo mid Akhiraba ay ku jirto, aana iska
ilaalino in aan caajisno ama dib ugu laabano xumaantii.



Allaah baan waydiisaneynaa in uu nagu sugo Diinta iyo wada toosan,Walaal ma
garaneysid wakhtiga iyo xiliga ay gaarida kuu imaaneyso ka digtoonaw adiga oo
macsi ku jira in ay Geerida kuu timaado.


Post a Comment

 
Top

Dhagayso oo Follow garee boga aan ku leenahay Sound Cloud ka: Dhag Sii Halkan..

X