.

.
 

QISO WIL YAHUDI AH OO ISLAMAY OO SOO ISLAMSHAY 6,000,000 QOF Waa qisaska aan ugu talagalnay in ay umada wax ka badalaan qof walbana uu goansado sidii uu gacantiisa ugu soo islaamin lahaa umado fara badan amaba uu u naftiisa wax uga badali lahaa ogaada ilaa nafteena aan wax kabadalno alle wax naga badali mayo Hadaba walal qisadaan oo si dhab u dhacday waxaa lagaa rabaa in ad ku fakarto sidaas oo kale in aad ugu adegto diinta alle mahan oo kaliya akhris in aad uga tagto marka aad dhamayso go aanso in aad u istaagto dacwada alle iyo barashadi kitaabka alle.

hadaba qisada ayaan bilaabi doonaa qisadaan oo si rasmi ah uga soo gurinay ayan u qori dona balse codka sh nabil cawad ayaan idin maqashinay xaqiqadeeda hadaba qisadii iyo bilowgedii la soco JAADALAH AL QUR,AANI - Ku dhawaad 50sano ka hor waxa jiray nin da,diidiisu aad uweyn tahay oo turki ah 50sanno jir ah magaciisu wuxuu ahaa ibraahim wuxuu lahaa dukaan lagu iibsho cuntooyinka Wuxuu ku yaalay dukaankaas dabaq ay daganyihiin qayb ka mid ah reer yahuud ah waxaana u joogay reerkaas wiil ladhaho jaad oo 7sanno jir ah Jaad waxaa joogta u ahayd inuu dukaankas ka soo gado waxyaabaha guriga looga baahan yahay intuu ibraahim oo ah ninka tukaanka leh adeega ugu maqanyahay wuxuu maalin walba xadi jiray shukulaato,

Maalin maalmaha kamid ah jaad wuxuu iloobay inuu xado shukulaatadii kadib ibraahim ayaa  uyeeray wuxuuna u sheegay inuu iloobay inuu xado shukulaatadii uu malin walba xadi jiray ,jaad markuu intaas maqlay baqdin iyo argagax baa la soo darsay waayo wuxuu uqabay ibraahim inuusan ogayn wuxuu xado maalin walba ,jaad wuxuu ka codsaday ibraahim inuu ka raali ahaado oo uu cafiyo,wuxuuna balan qaaday inuusan mar danbe shukulaato xadi doonin Lkn duq ibraahim oo ahaa qof naxariis badan wuxuu ku yiri mar danbe nolashaada wax ha isku dayin inaad xaddo maalin walbana markaad sii baxayso shukalaato baad leedahay jaad wuu farxay wuuna ku qancay arrintaan,

Sannado badan ayaa laga soo gudbay duq ibraahim iyo jaad waxay u dhaqmaan sidii dad is dhalay kalsoonidoodii waysiyaaday,jaad intas wixii ka danbeeyay hadduu la kulmo dhib ama ciriiri wuxuu u imaan jiray ibraahim suu ugu sheegto dhibta haysata,markuu usheegto ibraahim wuxuu siin jiray marwalba kitaab wuxuuna ka dalban jiray inuu furo bog ka mid ah kitaabkan kadibna waxaa u akhrinaya oday ibraahiim labadaa bogee uu soo doortay jaad,Kadibna markii uu akhriyo jaad labadas bog wax walba wey u hagaagaan walwalkuna wuu ka tagaa ,Sanado badan baa gudbay labadoodiina marwalba way isku soo dhawaanayaan ibraahim oo ahaa nin turki ah oo da,diisu aad u weyn tahayna dhaqanka suuban ee uu kula dhaqmayo wiilka yahuudka ah aad buu marba maka ka danbeyso u sii wanaagsanaanayaa,17 sanno kadib jaad wuxuu jirsaday 24sano,ibraahimna 67, wuu dhintay oo waqtigii ibraahim wuu soo dhamaaday Allaha unaxariisto sanadii 1985 inta uusan dhiman ka hor ciyaalkiisii wuxuu uga tagaysanduuq waxuuna ku riday dhexdiisa kitaab waana kitaabkii uu jaaad tusi jiray markuu ugu yimaado dukaankiisa wuxuuna kala dardaarmay ciyaalkiisa inay hadiyyad ahaan u siiyaan jaaddalah markuu geeryoodo

Jaad wuxuu ogaaday in uu geeryooday ibraahim kadib markii sanduuqii hadiyyada ahaa loo keenay,intaa kadib aadbuu umurugooday jaad wajigiisuna wuu is badelay waayo ibraahim wuxuu ahaa kan kaliya ee farxada ka sameysta marwalbana caawin jiray,Waqti dheer kadib jaad dhib baa la soo daristay wuxuu soo xasuustay sanduuqii uu uga tagay ibraahim wuxuu soo saaray sanduuqii kadibna wuu furay waxuu ka helay kitaabkii markuu akhriyo murugadu ka tagi jirtay ,jaad wuxuu furay bog ka mid ah kitaabkii nasiib daro wuu awoodi waayay inuu akhriyo waayo wuxuu ku qoranyahay luuqada carabiga asna ma yaqaan carabi,wuxuu u tagay wiil kaso jeeda tunusia oo ay sxbo ahaayeen wuxuu ka dalbaday inuu u akhriyo 2bog o ka mid ah kitaabkaan ,wuu u akhriyay ka dibna wuxuu usharaxay dhibta haysata wiilkii tunusiga ahaa ayaa xaliyay jaad aad buu u yaabay wuxuuna waydiiyay kitaabkan mar walba xalka u ah dhibaatooyinkiisa magaca ladhaho,tunusigii wuxuu ku jawaabay waa kitabka quraanka kariimka ah ee muslimiintu ku dhaqmaan ,jaad wuxuu lasoo booday see ku noqdaa muslim ,wuxuu ugu jawaabay inaad ku dhawaaqdo shahaadada shareecadana aad ku dhaqanto,Jaaad saanuu ugu jawaabay diintana uu kusoo galay:
{ La illaha ilallah muxammed rasuulullah } Nolashiisii markuu diinta soo galayWuu islaamay wuxuuna la macag baxay JAADALAH AL QUR’AANIYAH wuxuuna u doortay magacaan weynayn uu ku weynaynayo kitaabkan noloshiisa baalka dahadka ka galay,wuxuuna go,aansaday noloshiisa inta ka dhiman inuu kitaabka alle u adeego ,wuxuu si fiican u bartay kitaabka wuuna xifdiyay wuuna fahmay,wuxuuna bilaabay inuu dacwo ka faafiyo wadamada yurub wuxuuna alle u sababay umad badan inay diinta soo galaan oo asagu sabab u noqdo waxaana dadkaas lagu qiyaasaa 6,000 oo isugu jira yahuud iyo christians.

Maalin maalmaha kamid ah asagoo rogrogaya waraaqihii hore wuxuu furay qurankii uu hadiyadda u siiyay ibraahim wuxuu ka helay bilowga kitaabka qaarad ku sawiran, waxana ku sawirnayd qaarada africa waxaa ku saxiixan ibraahim kitaaabka dhamaadkiisa
Wuu fahmay wuuna ogaaday inay tahay dardaarankii ibraahim wuxuuna go,aansaday inuu sameeyo ,wuu ka tagay yurub wuxuuna dacwa ila laah u aaday kenya ,koonfur suudaan,uganda, iyo dalalka u dhaw.wuxuu soo islaamshay qabiilka ZOLLO oo ka kooban in kabadan 6,000,000, qof

GEERIDII JAADALAH AL QUR’AANIYAH Jaad alqur,aani ,oo u go,ay dacwada ALLE  wuxuu diinta islaamka dowrkiisa ka qaatay 30 sano noloshiisana Alluu u hibeeyay iyo dacwada alle asagoo sabab u noqday inay gacantiisa ku islaamtay milions kala haysta diimo kala duwan lkn aan xaq ahayn baadilna dhexdabaalanayay ayuu alle jaad usoo diray ,Waxay geerida xaqa ahayd u timid jaad sanadii 2003dii xanuuna la soodarsay awgood oo africa ku helay asagoo gudanayay waajibaadkiisa dacwada asagoo jiray markaas 54sano oo uu ku dhameystay sidii alle ugu tala galay allene uu oofsaday asagoo raali ka ah ilaah nanaxariistiisa haka waraabsho

Intas kuma dhamaan qisadu lkn! Hooyadiis oo yahuudiyad ahayd markaas jaamacadna macalimad ka ahayd way islaantay sanad kadib geeridii wiilkeeda ayadoo 74sano jir ah waxay leedahay sidan:waxa lasoo dhaafay 30sano anuguna waxan dagaal kula jiray saan wiilkayga diinta islaamka uga soo bixin lahaa uguna soo celin laha ayahuudnimada! Lkn wax walba wan sameeyay si walbana wax waan ugu sheegay waan awoodi waayay inaan ku qanciyo yahuudnimada, lkn ibraahim oo ahaa nin aan cilmilahayn wuu awooday inuu badalo diintiisa, da,adiisuna ay aad u weynayd walaahi tani waa diin saxan Markaas kadib ayadoo 74sano jir ah waxay dacwada ka faafin jirtay koonfurta sudan Hadaba maxaa sababay inuu jadalah islaamo ?Jaadalah ayaa yiri:17sano ibraahim ima uusan oran gaal ama yahuudi iskadaa wax kale imuusan oran soo islaam ,intaasoo sano ugama uusan sheekayn islaamka iyo diinaha kaleba,Qof da,diisu aad u weyntahay cilmi aan lahayn ayaa qalbiga cunagaan yaraantiisii badaley ilaa uu islaamka soo galayna sababna u noqday waa ibraahimee kadibna ay jaaddlah gacantiisa kusoo islaameen intaasoo milyan oo dad ah ,

FG: qof walba oo muslima waxa kasaaran xil inuu diinta faafiyo, haduusan awoodin in laga helo akhlaaqda diint awaayo gaalku markuu arko adoo kudhaqmaya diinta islaamka waxa soo jiidanaysa 



Post a Comment

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete

 
Top

Dhagayso oo Follow garee boga aan ku leenahay Sound Cloud ka: Dhag Sii Halkan..

X