.

.
 

Alle ayaa dadka abuuray isaga oon baahi u qabin , aduunkana keenay, kadib markuu Shaydaan waalidkeen ( xaawa iyo Aaden ) jar uga tallaabsaday, jannadiina ka saaray . Eebbe waxa uu arlada dhigay ,tiirarka nolosha Aadmiga :- hu’ga ,hoyga ,biyaha iyo cuntada, Nabi Aaden (CS) iyo ubadkiisana waxa uu ka dhigay wakiillo aduunka maamula , waxaanu dartood u abuuray :- waxkasta oo arlada laga helo, waxuu u sikhray cirka iyo dhulka isaga oo yidh :
 -{هُوَ الَّذِي خَلَقَ لَكُمْ مَا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا }[1]

(Eebbe waa ka dartiin u abuuray wax kasta oo arlada laga helo)
 Wuxu saxaabigii waynaa ee ibnu Cabbaas yidhi : “ wax kasta oo arlada laga helo , wuxuu Alle u abuuray maslaxadda dadka :- badh ay manfac ka helaan , badh ay ku waano qaataan iyo badh lagu imtixaamayo “[2]
Alle waxa uu dadka ku sharfay ,caqli iyo maan ay wax ku gartaan ,isla markaana ku qaabilaan masuuliyadda Eebbo dushooda saaray, Masuuliyaddaas oo ah : inay Alle uun caabudaan, aduunkana maamulaan , arladana cammiraan , waxa uu Alle yidhi:-


وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ }3]

(Jinka iyo Insiga umaan abuurin in ay I caabudaan wax aan ahayn)
 Caqligu ma wada koobi karo arrimaha aduun iyo kuwa aakhiro, inta ili qabato iyo inta qarsoon , haddaan la kaabin. Sidaa darteed waxa Alle ku kaabay “Caqliga” waxyi iyo farriin uu usoo dhiibay Anbiyada iyo Rususha ( NNkA ).

Laga bilaabo Nabi Aaden ,Nabi Nuux, Nabi Idriis, Nabi Huud , Nabi Saalix ila la soo gaadho Nabi Muxamad oo ah afxidhkii iyo gunaanadkii Nabiyada ( N N K)

Anbiyada iyo rusushu waxay dadka u caddeeyeen :-halka aynnu ka nimi (ciid +naf) ,halka aynnu ku noolnahay (aduunka) iyo halka annu ku danbayn doonno (Aakhiro)

Waxay shaaca uga qaadeen in ay Aduunka u joogaan imtixaan,dadka lagu kala saarayo . waxa uu Alle yidhi:-

{الَّذِي خَلَقَ الْمَوْتَ وَالْحَيَاةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا وَهُوَ الْعَزِيزُ الْغَفُورُ}[4]

(Alle waa ka abuuray geerida iyo nolosha , si uu idiin imtixaamo,kiinnee u camal suuban, oo ilaahay raalli galin doona ).

Wuxu yidhi taabicigii waynaa ee Qataadah:“ Alle waxa uu ku dulleeyey ina Aaden geerida ,aduunkana wuxuu ka dhigay nolol ku meel-gaadha, Aakhirona wuxuu ka dhigay ,madal xisaabeed oo la isu abaalmariyo iyo hoy- nololeed oo maguuraan ah”.[5]

Haddaba imtixaankaas ciddii ka gudubta ( Eebbe ha innaga dhigee) ,waxa uu Alle u ballan qaaday , in ay ku noqon doonaan Jannadii laga soo mastaafuriyey, kana raysan doonaan cabsidii iyo carcaraafkii ifka ,isla markaana ku waari doonaan janno iyo raaxo ay ku illoobaan taws iyo tiiraanyo wixii soo maray.

Cidda imtixaankaas ku dhacda (Alle inagama dhigee), ee xaqa ka jeesata, ee Shaydaankii jannada innaga soo barakiciyey raacda ,waxa uu Alle u ballan qaaday in kitaabkooda bidixda laga siin doona, naartana xaabo looga dhigidoono ,halkaana ay ku waarayaan, kuna illoobidoonaan raaxo kasta oo ay soo mareen..

Nabi Muxammad (N N K) waa rasuulkii u danbeeyey ee Eebbe ku soo afxidhay taxanihii Anbiyada. Diinta Islaamkuna waa diintii u danbaysay, diimaha Alle soo dejiyey, Islaamku waa farriintii u danbaysay ee Alle ka timi, Waa farriin dhamaystiran , dhowran ,oo dheellitiran, waa diinta kaliya ee Alle raalli uga noqday adoomaha, waa diinta xalka u ah aduunkan jahawareersan, maanta.

Waxase iswaydiinle muslimiintu , siwacan ma u bandhigaan ??

Mise waa galdacwadeed ,gacanta u galay looyar gama’san??!!!

[1]-Aayadda 29 suuratu Al-baqarah

[2] - Sheekha caalimka ah Muxamad Xasan Dedew cajaladda 1aad ee ka mid ah Taxana : Tanziil

al- aayaat calaa Al-waaqic

[3] -suratu aldaariyaat aayadda56aad

[4] Suuratu Al-mulki aayadda 2aad

[5] - tafsiir al-dabari
Sh.Cabdillaahi Maxamuud Axmed (Tajwiid)

Next
This is the most recent post.
Previous
Older Post

Post a Comment

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete

 
Top

Dhagayso oo Follow garee boga aan ku leenahay Sound Cloud ka: Dhag Sii Halkan..

X