.

.
 


Mashquulka aduunku ma dhamaado. Riyadiisu ma dhamaato. Beri u dhigista camalkii manta ka daran. Ilowshah Mowdkuna ka sii daran waxaan xasuusanaa marka qof naga dhinto ama aan xanunsano.. isaguse waa mowdkiiye nama ilowsana markuu na soo booqdana mayeelo ii dib dhiga , isug . howl yar baa ii hartay. Waxbaa Iga kala dhantaalan oo qabyo iga ah Waa waqti go,an waa cumri go,an , wax laguma daro waxna lagama dhimo,, waa safar qasab ah oo aadan adigu lahayn waydiinteeda , ma aadnaa meel heblaayo , maya maanta ma aadi karo 
berri nooga dhig, mashquul ban ahay hada ma aadi karo, lacagtaa igu yar.
Mowdka sidee u xusuusanaa mar walba si aan iskugu ilaawin aduunkaan , qofka mowdka xasuustaa marna iskuma ilaawo aduunkaan ee wuxuu ka dhigtaa doontii uu kaga gudbi lahaa badda si uu u badbaado , hadaa tiraahdo ka waran dabbaal kaliyaan kaga gudbayaa badda intaa le,eg oo ku tagayaa dhinaca kale adoo wadan doon ama markab , soo maaha wax aan caqliga galeyn , sidoo kale aduunkaan aan joogno waxaa looga gudbaa si loo gaaro daaarta badbaadada waa camal saaalix ah
.
Ma rabtaa inaad xusuusnaato Mowdka mar walba iyo xilli walba , mowdka oo la xasuustaa waxay qofka u sahlayaan inuu u diyaar garoobo aduunkaan markuu ka tago ee uu tago daarta nagaanshaha wixii anfici lahaa , mowdku ma kala yaqaan qof yar , mid weyn , mid aroos ah mid safar ah, mid hada dhashay, mid 100 jira , hadaba si aad u xasuusato mowkda isku day inaa sameyso arimhaan.
1. Soo iibso kafantaada gashana kabarka sida dharka kale , dharka labiska , dharka hurdada , dharka waqtiga qabowga , kuleylka , sidoo kale Kafantaada haka mid noqoto dharkaaga kabarka kugu jira , si aad u xasuusato inay ka mid tahay dharkaaga
,,
2. Dardaaarankaaga qor , hana kuu yaalo meel la ogyhay una sheg dadka kula nool hadaan dhinto hala ii soo duceeyo ha la iga bixiyo waxas baa la igu leeyahay , qor wxii dardaaran ah , kuna dar waliba inaa ka dalabto qaraabadada inay kugu duceeyaan inuu Rabbi ku sugo habenka ugu horeysa ee aad qabriga ku hoyato , hoyigaaga runta ah
,,
3. Telefonkaaga ku xifdiso inuu ku xasuusiyo maalin walba ama todobaaad walba hal mar ha noqotee, mesege aad ku qortay mesege kaa waa midaa adigu isku qortay oo aad leedahay, hebeloow ,x asuuso geerida ha isku ilaawin aduunkaan , taas waxay kaa saacideysaa inaad mar walba xasuusato mowdka una camal fasho wixii aad ku badbaadi lahayd
,,,
4. Qolkaaga jiifka meel muuqata ku qor aayaadaha ka hadla mowdka sida , (Kullu nafsin daaiqatul mowd _ ama ayada ah ( qul inala mowta ladii tafiruuna minhu fa ,inahu mulaaqiikum) si aad u xasuusto uguna tala gasho daqiiqad walba inuu kuu imaan karo, ileyn waa safar qasab ahe , mana aha wax lagu dooransiinaayo oo lagu leeyahay ma dibaa laguugu dhigaa mise diyaar baa tahay
,,?
5. Booqo qabuuraha asbuuc hal marba ha noqoteee , si aad u xasuusato mowdka , si aad u ogaaato in adna maalin ay noqotaba aad ka mid nqoon doonto dadka lagu soo booqdo meshaan , u ducee maytada , adna duceyso in Rabbi kaaga dhigo qabrigaaga , beer ka mida beeraha janada kaana badbaadiyo cadaabtiisa,, waaa fikrado kugu saacidaya inaa mar walba niyada ku hayso waayo aduunka mashquulkiisa ayaa badan lakin waxaan kaa mashquulayn adna haka mashquulin ee ogoow lana soco kuna xisaabtan in maalin uun u ku soo booqan doono siduuu u soo booqday qayrkaaaaaa, Aloow ka yeel qabuurteena Rowdatan min riyaaadil janah walaa 
tajcalhaa xufratan min xufari naar aamin 


Post a Comment

 
Top

Dhagayso oo Follow garee boga aan ku leenahay Sound Cloud ka: Dhag Sii Halkan..

X