.

.
 

Illaahay swt wuxuu inoo sheegaayaa muuminiinta dhab ah iyo sifooyinkooda ee walaalayaal halkan aan ka barano ,

waxaa naga xusuusin ah inaad maqaalkan iyo maqaalada kale ee website ka ku jira aad share garaysaan in sha Allah .
Mu'miniin hadii adan aqanin hada baro hadii aad taqanayne masha allah..


Alle swt wuxuu surah al mu'minuun ku leeyahay isago ino tilmamayo mu'miniinta.
قَدْ أَفْلَحَ الْمُؤْمِنُونَ
Waxaa Dhab ahaan u Liibaanay Mu'miniinta.
الَّذِينَ هُمْ فِي صَلَاتِهِمْ خَاشِعُونَ
Waa kuwa Salaaddooda ku Khushuuca.
وَالَّذِينَ هُمْ عَنِ اللَّغْوِ مُعْرِضُونَ
Waa kuwa Hadalka Macno Darro ka Jeedsada.
وَالَّذِينَ هُمْ لِلزَّكَاةِ فَاعِلُونَ
Waa kuwa Zakada bixiya
وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ
Waa kuwa Furuujtooda Ilaaliya.

إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ
Haweenkooda iyo waxay Hanatay Gacantoodu mooyee, lagurna Dagaalo Taas. :
فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْعَادُونَ

Ruuxiise Doona waxaas wax ka Soo Haray kaas waa Xad gabay.

وَالَّذِينَ هُمْ لِأَمَانَاتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَاعُونَ

Waa kuwa Ammaanadooda iyo Ballankooda Dhawra.

وَالَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَوَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ

waana kuwa Salaadda Ilaaliya.

أُولَٰئِكَ هُمُ الْوَارِثُونَ

Kuwaasu waa kuwa Dhaxli.

الَّذِينَ يَرِثُونَ الْفِرْدَوْسَ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
Wa kuwa Dhaxli Firdowsa wayna ku Dhexwaari.


Alle swt. Wuxu surah al-macarij ku lee yahy isagoo mu'miniinta noo shegayo..
الَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ دَائِمُونَ
Wa kuwa Salaaddooda daa'ima.

وَالَّذِينَ فِي أَمْوَالِهِمْ حَقٌّ مَّعْلُومٌ
Waa Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.

لِّلسَّائِلِ وَالْمَحْرُومِ

Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.

وَالَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوْمِ الدِّينِ

Waa Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta).

وَالَّذِينَ هُم مِّنْ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ

Waa Kuwa ka Cabsaday, cadaabka Eebahood.


إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمْ غَيْرُ مَأْمُونٍ

Maxaa yeelay cadabka Eebe wax ka Aamin ah ma jiro.

وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُون

Waa Kuwa ka ilaaliya Farjigoda.

إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ
Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.

فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْعَادُونَ

Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.

وَالَّذِينَ هُمْ لِأَمَانَاتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَاعُونَ

Waa Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliyo
وَالَّذِينَ هُم بِشَهَادَاتِهِمْ قَائِمُونَ
Waa Kuwa maraggooda si fiican u furay.

وَالَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ

Waa Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra).

أُولَٰئِكَ فِي جَنَّاتٍ مُّكْرَمُونَ

Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.




Post a Comment

 
Top

Dhagayso oo Follow garee boga aan ku leenahay Sound Cloud ka: Dhag Sii Halkan..

X