.

.
 

Bismilaahi raxmaani raxiim,
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi watacalaa wabarakaatu
Illahay ayey u sugnaatay amaan iyo mahadi, waxaana mudan in illahay S.W.T. aynu ugu mahad naqno nimcooyin aad u badan oo uu ina siiyey.

Walaaladayda aan dar illahay u jecelahayoow salaantaas Islaamka ee kor ku xusan ka dib, walaalayaal maanta inshalaah hadii illahay S.W.T. inagu simo waxaan jecelahay inaynu ka hadalno toban waxyaabood oo aynu ka helayno Salaada tiirka labaad ee Islaamka.

Walaalaayaal Salaadu waa waxa kobaad ee qofka Islaamka ahi uu illahay S.W.T. uu ugu dhawaanayo, tahayna xidhiidhka qofka Muslimka ah iyo illahay S.W.T. hadii taas lagaa waayana laguu qirayo inaanad ahayn Muslim oo aad tahay kaafir markaas waxa qof kasta oo Muslima ay ku tahay waajib lagama maarmaan ah. Mida labaaad waxa weeye in ay Salaadu kaa reebayso xumaanta, iyo faaxish oo dhan.

Hadaba walaalayaal inagoo og waxyaabahaas oo dhan ayaa hadana waxa salaada ku jira waxyaabo aad u badan oo laga faa,iidayo hadaba maanta waxaynu kazoo qaadan doonaa toban waxyaabood oo aynu ka helayno Salaada. Markaas waxaan mid kasta ka bixin doonaa sharax kooban inshalaah.
Walaalayaal markay dadkan reer galbeedku ka waramayaan dalalka Islaamka waxay ku sheegaan in ay ku danbeeyaan tobankan waxyaabood ee aan sheegi doona balse ay taasi ka fogtahay dhabta waayo diinteenaaba wax kasta inoo sheegtay siiba salaada ayaaba inoo sheegtay, balse waxa mudan in lays waydiiyo dadka Muslimku maku dhaqmaan mise kuma dhaqmaan? Inshalaah idinkaan idiin daayey jawaabta , waxaan inshalaah guuda galayaa waxyaabihii aynu ka faa,iidaynay Saalada.
  • Sinaan, salaadu waxay ina faraysaa inaynu sinaano, marka ugu horeysa ee aynu Salaada galayno ee aynu jamac ku jirno waa in la sinaadaa oo aan safafka la kala dheerayn oo aan la kala horeyn oo safafku sinaadaan. Taas ma aaminsana dadka gaaladu waana waxa ay ku sheegaan inay ku danbeeyaan dadlalka Muslimiintu.
  • Midnimo , waxay Salaadu ina fartay midnimo inaynu midowno oo aynu meel u wada jeedsano, waayo qiblada ayaa loo wada jeedsanayaa oo aynu ku daba faylno Imaanka kaligiis ah.
  • Daryeel, Salaadu waxay ina faraysaa daryeel inaynu daryeelno bulshada, oo aynaan salaada ku dheerayn dadka jilicsan, sida dadka waawayn, sida dadka dagdagaya ee raba inay meel qabtaan, dadka buka ee aan taagnaan karin in badan iyo i.w.m.
  • Horumarinta aqoonta, salaadu waxay ina faraysaa in ay dadku wax bartaan waayo marka aad salaada tukanayso waxa loo baahanyahay inaad barato faatixada aad ku tukanayso waayo salaadaadu ma jirto faataxada la,aanteed iyo inaad barato sida subxaanalaah, alxamdulilaah, alaahu akbar waayo salaada dabadeed waxa lagaaga baahanyahay inaad tidhaahdo midkiiba 33 jeer.
  • Dabar goyta waxkasta oo dhantaali kara dadka, Salaadu waxay reebtaa wax kasta oo xun xun sida tuugnimada, sinada, beenta, iyo waxkata oo xun oo kaa fogayn kara illahay S.W.T. salaadu waa nuur.
  • Shaqo salaadu waxay kuu furaysaa albaabada irsaaqada, waayo hadaad illahay S.W.T aad barido salaada ka dib illahay waxa uu kuu furayaa albaabada irsaaqada.
  • Inaad noqoto qof geesiya, Salaadu waxay ina fartay inaynu noqono geesiyiin oo aynu iska reebno khaladka, sida hadii qofka ku tujinaya uu khaldamo ama uu quraanku ka khaldamo waa inaad u saxdo oo aad u sheegto, taana salaadaa ina fartay.
  • Inaad samayso dhaqdhaqaaq, dadkan gaaladu waxay dadka faraan inay sameeyaan dhaqdhaqaaq oo uu sameeyo oo uu soo ordo, oo uu sameeyo dhaqdhaqaaq badan, marka aad tukanayso waxaad samaynaysaa 119 dhaqdhaqaaq taas ayaaba ugu filan qofka dhaqdhaqaaq mida kale qofku haduu u lugeeyo maskidka maalintii shan jeer taas ayaaba ah mid aad u weyn. In uu qofku inuu qaato inyar oo focus ah salaadaa ina fartay waayo qofku markuu rukuucayo, sujuudayo uu xasiloonaanayaa.
  • Ilbaxnimo, salaadaa ina fartay inanu ilbaxno oo aynu kala danbayno, oo aynaan dagalamin.
  • Xuquuqda dumarka, dumarka way u banaantahay inay soo baxdo oo ay majidka timaado oo ay ku tukato, inkastoo la yidhi waxa uga ajir badan kay ku tukato gurigeeda balse way u banaantahay inay soo baxdo murxim oo la socda oo ay soo tukato, taasina waxay inoo cadaynaysaa inaynu raga kala simanahay taas.
Intaasi waxay ahayd toban waxyaabood oo aynu ka helayno Salaada qiimaha badan ee illahay S.W.T. inoogu nimceeyey mahadi haka gaadhee.
Wixii aan khaldo waxay u sugnaadeen naftayda iyo shaydaan, wixii aan saxayna illahay ayey mahadi u sugnaatay.
Wabilaahi Tawfiiq.




Post a Comment

 
Top

Dhagayso oo Follow garee boga aan ku leenahay Sound Cloud ka: Dhag Sii Halkan..

X