.

.
 

Naftaada waa cadowga 1aad ee aad ledahay. Hadaadan hogaamin nafta waxey kugu hogaminee guuldaro aduunyo iyo mid akhiro.
Quranka iyo axadis dhowr ah ayaa ka hadlay in naftu ey tahay codow. Xadiis ka sugnaday nabiga ayuu waxa u leyahay “Naarta Waxaa Lagu Harereyay Waxa Naftu Jeceshahay, Janada Waxaa Lagu Harereyay Waxa Naftu Necebtahay” ayad quran
“وما أبريء نفسي إن النفس لأمارة بالسوء إلا ما رحم ربي إن ربي عفر الرحيم”
Naftu waxey rabta in la hogamiya ee iyada kugu hogamin meyso wadada saxsan, hadiYO  jeerna waxey ku amreysaa hurda iyo dib u dhigasho “beriyaad qabanee”
Waxaad ka Fogataa:
Hurdada Badan: hurdada badan waa qodob saacidaya nafta, waxaana laga qadaa qalbi qalal hurdada badan.
Dad la amaana ee ahaa fuqahada waxey ahaayen dad hurdadoodu e yartahay waqtiga ey so jedana kuso jedo cibaado iyo wax aqris..hadii aad hurdada yereso micnaheeda waa inaad ka faideysataa waqtigaas wayo adigoo so jeeda ayaa hadana kan hurdaa wax dhamin. Qof walba oo la amana ama wax kuso kordhiyay aduunyada waa qof hurdadiisu ey aad u yareed.
Cuntada Badan: cuntada badan waxey sacida ama tagertaa nafta, jirkana wey dishaa. Waxaadna noqonee qof culus muqaal iyo maskax ahanedba.
Dharagta badan waxaa ka dhasha wahsi, waxeyna caqabad ku noqonee gushaadii..
Dadka la donayo inan ku dayana waa nabiga iyo asxaabtisi mana aheen dad dharag la trax tagay ee waxey ahayeen kuwa dhaxda ku xirta dhagax, iska yarey cuntada. Hadiis nabiga ka sugnaday “beni aadanka ma jiro weel kaga shar badan caloshiisa”
Kuma talinaayo in baahi la isku dilo , lkn waxaan ku talinaaya in cuntada xisaab lo cuno si cibaado iyo camalkaaga esankaaga mashqulin. Waxaana la donaa in caloshada aad u kala qeybiso sadax “qeyb cunto ah, qeyb biyo ah iyo qeyb neefsasho ah”
Saxiibka xun: saxiibkaa waxuu ka mid yahay waxa sameyn kugu yelanaa . “basal bukto hadii basal fiyow la agdhigo iyadana wey bukotaa”wayo waxey ku daranee cudurkedii. Sido kale saxiibka xuna midka wanaagsan ayuu gacanta u tagaa asagoo donayo in uusan guul garin sida uuisaga ku qancayna uu saxiibkiisa bido.
Saxiibka xun waxuu la mid yahay adigo hoos fadhistay nin alxanla ah, waxa aad kaso faidaa waa in dabkaas dharka uu ka galo indhahana ku tagmaan.
قال احد الحكماء.. “لا تصاحب إلا من يكتم سرك ويكون للك ومعك في النوائب. وينشر حسناتك ويطوي سيئاتك. فإن لم تجد فلا تصاحب إلا نفسك”
Waxuu leyahay xakimkaan.. “hala saxiibin saxiib aan sirtada qarinen,aan ku garab istagen xiliyada dhibka ku hesto, aan ku fareen wanaaga, aan ka rebeyn xumanta, midkaas hadadan helin waxaan naftada aheyn hala saaxibin”
Sheekada Badan: sheekada badan waxey qalajisaa qalbiga, waqtigana wey lumisaa. Qofka qimaha leh waa qof waqtigiisu u plan garesanyahay. Qofka shekada badan waqti uma xisabna. Faaida aduun iyo mid akhirana kuguma jirto sheekada badan.
Dhaqatirtu aad bey uga hadlan wayo waxa laga qadaa neerfa xanuun. Shekada aan shekayo maha mid halmar ah ama faido ku leh(Aqoon Kororsi) lkn mid mar walba ah muran waxaan aheena maha. Sida dadkeena soomaaliyed u badan yihiin. Waxaa laga yabaa 24saac in uu sheeko ku jira. Aduun so ma shaqeysan akhirana warkeed daa.
Qofka cilmiga leh rabana inuu naftiisa ka adkaado waxaa loga bahanyahay inuu naftiisa mashquuliyo kuna mashquuliyo wax faaida u leh aduun iyo akhiro. Waqtigaaga sheekada ku badalo quraan akhris iyo duruusta maadiga ah.
Dib U Dhigasho: naftu waxey kugu sabsabee beri ayaad fursad hesataa ee beriyaad qabanee. Waa wado aad ku daremi karto in naftaad ey ku hogaaminee. Camal ama howl aad manta ledahay dib ha u dhigin soomaalida waxey ku maahmagda “ madal jiniyaa leh”. Dadkeena waa dad aad u xikma badan marka aad dalacato buugagta xikmada ku qoranyihiin. Ana waxaan leyahay “Dib u dhigashu waa tuuga waqtiga”.
Diinteena suban ayaa mar walba kugu borinee in aad naftaada la dagaalanto. Waxeyna ka mid dhigtay mid kamid  ah jihaadka. Jihaadka 4qeyb waaye mid ugu horeysana waa
  1. 1. JIHAADUL NAFSI.
  2. 2. JIHAADUL SHEYDAAN
  3. 3. JIHAADUL MUNAFIQIIN.
  4. 4. JIHAADUL KUFAAR
Maraatibtaan afarta ah waxaa ka dareemeysaa in Jihadul Nafsi uu yahay aas aaska ama tiirka kuwa kale qofkii taas aan kaso adkaan u san xamili Karin inta kale.  Waxeyna u bahantahay in naftaada aad tarbiyeeso sabar iyo jogteena aad la timaado..
Mid walba oo gor kuso xusnay cagsigiisa waa gusha manta iyo beri. Hurdada oo aad yareyso so jedkaadana ka faideysato. Saxiibka wanaagsan. Cuntada oo aad yaresato. Shekada badan iyo muranka badan oo ad iska yareyso. Dib u dhiga iyo wahsida oo aad la dagalanto intaba  waaa guushaada….
W/D:    Xaafid Elmi
On facebook: www.fb.com/Xafid

Post a Comment

 
Top

Dhagayso oo Follow garee boga aan ku leenahay Sound Cloud ka: Dhag Sii Halkan..

X