.

.
 

1: KA DIGTOONOW Walaashayeey waraabaha banii aadamka ah ee kuugu gabanaya sameecada talefonka. 

2: KA DIGTOONOW Walaashayey Xanta, isku-dirka, Cayda, Nacaladida iyo habaarka Xaraamka ah. Xusuusnow in arintaas ay kamid tahay sababaha Dumarku naarta ugu batteen,

Mucaad ibnu Jabal allaah haka raali noqdee wuxuu ku yiri Nabiga SCW miyaa naloo qabanayaa Hadalada carabkeena ka soo baxaya iyo waxaan ku hadlayno ?? Rasuulku SCW wuxuu ku yiri Mucaad: (Hooyadaa haku weydee Mucaadooow ee dadka ma waxaa Naarta wajiwaji loogu kufiyaa ama wuxuu yiri Manaakhirtooda (sansan ) waxay carbadoodu gaysteen maahane).

3: KA DIGTOONOW Walaaley ku labisashada Cabaayadda wax qurxisa, Maxaa yeelay Culimadu waxa ay Fatwoodeen in ay xaaraan tahay in lagu labisto Cabaayadda Quruxsan maxaa yeelay ma aha Xijaab sharci ah, Waxaana ay Sababtaa Cabaayadda Quruxsani Fitno iyo Dayac.


4: KA DIGTOONOW Walaaley labiska ciriiriga ah iyo kuwa gaagaaban iyo kuwa layska dhex arki karo iyo kuwa aan sharciga ahayn Maxaa yeelay Naarta jidkeeda waayeen.

5: KA DIGTOONOW Walaaley Shaqaalaha iyo Darawaliinta guryaha la keeno Maxaa yeelay sabab ayay u yihiin kharaabka guriga iyo Burburkiisee.

6: KA DIGTOONOW walaaley Dhagaysiga hadalka iyo Heesaha xaaraamta ah, ka xifdi xubnahaaga oo dhan wuxuu ALLAAH xarimay maxaa yeelay way kugu marqaati furayaan (xubanahaagu) maalinta qiyaamadee.

7: KA DIGTOONOW walaaley Majalaadka ama joornaalada iyo sidoo kale Website-yada kuugu yeeraya fasahaadka iyo dullinimada lana dagalamaysa wanaaga.

8: KA DIGTOONOW ........... Saaxiibada xunxun iyo iyo sidoo kale deriska xun xun maxaa yeelay waxba kuuma tarayaan aduun iyo aakhiro aan ka ahayn inayn kordhiyaan kaydka danbigaaga.
9: KA DIGTOONOW ........... Tagitaanka xafladaha iyo farxadaha Munkarka ah (xunxun) macsi ALLAAH ayaa ku sugane.

10: KA DIGTOONOW .........isku ekeysiinta Ragga sida xirashada Sarwaalka iyo gaabinta timaha iyo inaad timahaaga ka dhigto timaha raga oo kale.

11: KA DIGTOONOW.......... Caasinta Ninkaaga ama Waligaaga (cidda mas'uulka kaa ah) waa haddii aysan ku amrayn wax macsi ahe.

12: KA DIGTOONOW.......... INAAD GURIGA SOO GALISO Qaraabada ama kuwa aan Maxaarimtaada ahayn (Aabaha ama Adeerka laxmiga ah ama Abtiga laxmiga ah oo kale kuwaan ahayn lama ogala).


13: KA DIGTOONOW ..........is dhex galka Ragga iyo Dumarka meelaha ziyaarooyinka qoysaska iyo suuqyada iyo meelaha kaleba.


14: KA DIGTOONOW...........Shaashada Talafishinka iyo Fiidiyowga iyo Enternetka iyo kuwa kale.

15: KA DIGTOONOW...........Inaad uga sheekayso sirta ninkaaga (lamaanahaaga) iyo Gurigaaga dad kale.

16: KA DIGTOONOW........... KIBIRKA IYO KADSOOMIDA IYO XAQIRITAANKA DADKA KALE.


17: KA DIGTOONOW........... Zinada Maxaa yeelay waxay ka mid tahay Dabiyada ama Jariimooyinka ugu waaweyn ee la sameeyo, Sidoo kale ka digtoonow in aad Gurigaaga ka baxdo Ninkaaga oo aan kuu Idmin (Ogolaan).


18: KA DIGTOONOW...........Aadida Saaxiriinta iyo wax sheegaha (Faalalowga) iyo Curaafiinta.


19: KA DIGTOONOW...........Labisashada Cabaayadda garbaha la saarto iyo midda ciriiriga ah Maxaa yeelay Culimadu waxa ay ka soo saareen Fatwo Xaaraantimaynaysee.


20: KA DIGTOONOW...........Isticmaalida Catarka (Baraafunka) markaad guriga ka baxayso.

21: KA DIGTOONOW...........Badalida abuurka ALLAAH, Sida adiga oo qabta (jara) Suunyaha (Xaajibka) ama taflajka Maxaa yeelay Rasulku SCW wuu Lacnaday Midda Suunyaha Xiirta iyo Midda loo xiiro (Faalijada iyo Mutaflijada Naamisada iyo Mutanimasada).


22: KA DIGTOONOW........... Inaad jirka mariso wax diidaya inay waysadu jirka wada gaarto.

Post a Comment

 
Top

Dhagayso oo Follow garee boga aan ku leenahay Sound Cloud ka: Dhag Sii Halkan..

X