.

.
 


Waa Qiso dhab ahaan Jirta waa  Hooyo iyo aabe ka Gaabiyay tarbiyeynta

caruurtooda iyo daba galka xilliga iskuulka kadib baa waxey ka sheeganayaan

wiil ay dhaleen oo Caqli ka weyn iskuulka lagu soo  saaray Hooyada oo la soo

xiriirtay idaacada Quraanka ayadoo ka murugsan arinka wiilkeeda yar bey tiri

'' ihtimaam badan maan siin jirin wiilkeyga xaga diinta ah sababtoo ah wali

muusan gaarin wiilkeyga sagaal sano jir  ( 9 sano jir ) Maalin buu igu yiri

Wiilka : ‘’ Hooyo Mohammed Ma jecli ?

Hooyo : ‘’ Waa kuma Mohamedka ?

Wiilka : '' Waa Rasuulka islaamka (S'C'W )  

Hooyo: ’ hooyo Side bad hadalkas u leedahay waa xabiibkena iyo rasuulkena‘’ 

 Wiilka: ‘’ Hooyo mohamed ima siiyo Shukulaat '' ( mac macaan )

Hooyo : ‘’ Miyaad aragtay haduu ku siin lahaa shukulaatka ?

wiilka : ‘’ Maya laakin Macalimada iskuulka baa Nagu tiraahdo,

‘’ Mohamed baa idiin imaanayo iyo Masiix ( Ciise ) Waad kala arki doonta kan

Naxariis badan ee idiin jecel iyo midka wanaagsan ee deeqsiga ah

‘’ Waxey Macalimadii ka codsatay iney ilmaha indhaha isku wada Qabtaan

waxeyna ku tiri Waxaa wax yar kadib imaanayo Mohamed ee isku wada Qabta

indhihiina oo madaxa miiska Saara,  Daqiiqado kadib bey tiri kor u qaada

madaxa oo fura indhaha, Markey kala fureen indhaha waxba maysan ka helin

hadiyad ah oo miiska u saaran. Markaas bey hadana ku tiri isku wada Qabta

indhaha madaxana miiska wada saara waxaa imaanayo Ciise wax haudu idiin

siiyo aan aragnee Sidii bey caruurtii sameeyen wax yar kadib bey tiri kor u qaada

madaxa indhahana fura Markey fureen bey miiska ku arkeen shukulaato iyo

macmacaan loo saaray •

Markaas bey hooyadii ku tiri wiilkeedii, '' Hooyo waa waxey macalimiinta idiin

jilayaan oo mohamed kugu Nacsiinayaan Mohamed iyo Ciise( C'H'M )

waa walaalo wada wanaagsan oo Naxariis badan Balse wiilka hadalka

hooyada ma dhaadhicin illeen waa wax mudo iskuulka loogu aqrinayay, 

Aabe iyo hooyo Macaan abaayo iyo aboowe kuwa noqon rabo aabayaalka iyo

hooyooyinka ubadka berri Fiiriya xumaan meel ay ka gaareen Gaalada si ay

caruurta u gaalesiiyaan bey u adeegsanayaan Caqli iyo Maal

annaagna markaan guriga Nimanno baan ubadka ku qeelinaa oo ku oranaa

naga seexda qeelo badanaa lagama nasan karo  Ka digtoonaaw hooyo

ubadkaaga ugu Baq eebe ubadkaaga Berri waa lagu weydiinayaa waana ku

Cadaab mudan doontaa hadaadan xaqiisa siin oo diinta rabbi iyo sunnada ku

tarbiyadeen waa cad kaa so go'ay oo Cadaw uusan garaneyn dhex Joogo

Miyaadan Maqlin Digniinta eebe idinku yiri Adinka aabe iyo hooyo mcn


'' يا أيها الذين آمنوا قوا أنفسكم وأهليكم نارا وقودها الناس والحجارة ''

'' Kuwa rumeeyoow ( imaanka alle iyo qeybka laga helayoow )

ka Badbaadiya Naftiisa iyo Ehelkiinaba Naar, Taasoo lagu shido

Dad iyo Dhagxaan '' 


Aabe iyo Hooyo Naftii lagaa uumay Dartii aad u dhafartay u baahatay Dhibkii

yar ee soo gaaro Qalbigaaga soo dhaawacay Miyaad ku Raali noqon laheyd in

lagu sheido Naar taasoo Dhinbilaheedu la eg yihiin Buur  

Naar madoow Mugdi leh Nasiib laawe hoygiisa ah ?


Ugu Baq Naftaada iyo Ubadkaaga Naar iyo Halaag labada Daar 


Wa billaahu tawfiiq Wasalaamu caleykum waraxmatullahi waßarakaatuH

Waxaa idiin so diyaariyay Walaalkeen Mohamed Abdi



Post a Comment

 
Top

Dhagayso oo Follow garee boga aan ku leenahay Sound Cloud ka: Dhag Sii Halkan..

X