.

.
 

Ruux Walba oo ku Nool Wadamada Aan Islaamka aheyn Waxaad Tahay Safiir Islaamka u Joogo!..

Wax la'la yaabo Ma aha in Cayaartooy Magac leh Cayaarana Sporttiga uu Cadaysto Islaanimadiisa!..Balse Sonny Bill Williams ahna 28 Jir Marka uu Cadeestay Islaanimadiisa Dhamaan Wargaysyada Aduunka oo dhan Maqal iyo Muuqaalba Waxa ay Bilaabeyn in ka Waramaan Taariikhdiisii Hore ee aan Wanaagsaneyn!..

Sonny Bill Williams Inta uusan Noqon Cayaar'yahanka ugu Wanaagsan Rogbiga ee Wadanka Australia Waxaa uu ku Noolaa New Zealand Waxa uu Caan ku ahaa inta uusan Islaamin Nin aanan Waxba u Aaba yeelin, Kadibna Waxa uu u Wareegay Feerka Waxaana Saaciday Qaab Jirkiisa u Dhisan yahay, Waxa uuna Kaalinta Kowaad ku guulaystay Feerka Aduunka, Sidoo Kalana Waxa uu Kaalinta Kowaad ku guuleestay Fareeka Wadanka Australia!..Hadaba sidee Buu ku Islaamay Sonny Bill Williams!..Yaana u Sabab ahaa in uu Islaamo, Cayaar'yahan ku Caan Baxay ku Dhaafarka Xafladaha iyo Aalkolada Waxaa la Xiray intaas oo Jeer Asaga oo Lagu Qabtay in gaariga uu ka xeeyay Asaga oo Cabsan!..

Kadib Dhibaato Badan oo ka soo Wajahaday Qeybta Canshuuraadka Dacwo Badan lagu soo oogay Waxa uu soo Cararay Wadanka Fariinska!..Waxa ay Isbartayn Wiil Yar oo u soo Daawasho tagi jiray goroonka uu ku Ala'miiteyn jiray galabtii!..Wiilka yarna Waxa uu soo Raaci jiray Aabihiis, Maalin Maalmaha Kamid ah ayaa Wiilkii yaraa Waxa uu ka Codsaday Sonny Bill Williams in uu Gurigooda ku soo Booqdo!.. Si Sahlan baan u ogalaaday in aan ku Soo Booqon Doono Gurigooda, Waxa uu intaas sii Raaciyay Dhanka Kale Marka laga Fiiriyo Sidaan Magaca u leedahay Caana u ahay in ma Dhici jirin in Ruux si Fudud aan ku Raaco aad bayna u Adag tahay!..

Sidii Balantu aheyd Sonny Bill Williams Waxa soo Booqday Reerkii Wiilka yaraa uu ka Dhashay, Dhalashadooduna aheyd Tunisia, Waxay ka Kooban yihiin Aabe iyo Hooyo iyo Shan Caruur Dhamaantoodana Waxay ku Noolyihiin Qol Yar!..Waxaan Dareemay oo aan la yaabay Sida Reerkaan ay ugu Farxsan yihiin Nolasha Yar ay Ku Noolyihiin, Waxaan Kaloo Indha Ruux Walba oo Reerka Ka mid ah ka Aqristay Sida ay Naftooda ugu Kalsoonyihiin iyo Sida aysan Lacag Baahi ugu Qabin!..Markii la gaaray Wakhtigii Salaada Dhamaatooda Hal Mar wada kaceyn, Ruux Walbna Waxa uu iga Codsaday in Wax'yar ka Raali Noqdo si ay Salaad u Tukadaan!..Waxaa la yaab igu Noqotay Marka ay Tukanayeen Habka ay Tukanayaan iyo Habka ay ugu Raaxeesan yihiin Salaada ay Tukanayaan!.. Waxaase la yaabay Ilmaha Yar Yar iyo Qaabka Quruxda Badan ay u Tukanayaan una Ilaalinayaan Nidaamka Salaad iyo Qaabka ay u Tukanayaan!..

Intaas Kadib Waxay u Sharaxeen Islaamka Waxa uu yahay Wakhtigaas Waxaa lagu jiray Bil Ramadaan, Aabihii Reerka ayaa Waxa uu iga Codsaday in Hal Maalin uu Soomo si uu u ogaado Macnaha Soonka uu yahay!..Xiligaas Islaamka Wax Fikrad ah Kama Haysan, Balse Waxaan aad ula yaabay Sida Reerkaan ay u Dhawr'soon yihiin iyo Sida ay Nolashaan Yar ay ku Noolyihiin ugu Faraxsan yihiin!..Sidii aan ka Balqaaday Baan Suubiyay Waxaan Soomay Maalin, Maalintaas aan Soomay Waxaan Dareemay Nolal aanan Waligay Dareemin Waajibna igu Tahay in aan Rabi ugu Shugriyo, Waxaana go'aan ku gaaray in aan Islaamo!..

Waxaa la Sheegaa Sonny Bill Williams in uu Islaamay 2008 Balse Warbaahinta Aduunka Waxa ay ku Baraarugayn Xili Dambe, Kadib Markii la Arkay Asaga ay ka Muuqato Iltizaam iyo Asaga Baranaya Islaamka, Midaas oo Dad Badan ay Shaki iyo Walaac Ka Muujiyen Islaanimadiisa!..Waxii ugu Horeeyay uu ku Dhaqaaqay Sonny Bill Williams Waxay Noqotay in uu Diiday in uu u Cayaaro Naadi Faransiis oo ku Iibsan laheyd Shan Milyar oo Doolar, Waxa uuna go'aan ku gaaray in uu Dib ugu Laabto Wadankiisii New Zealand si uu ugu Cayaaro Cayaaraha Aduunka ee Rogbiga, Talaabadaasna Waxay Noqotay Shaygii ugu Horeeyay ee la'la yaabo Markii loo Fiiriyo Nolashii uu Ku Noolaa Sonny Bill Williams iyo Sida uu u Qiimayn Jiray Lacagta!..



Post a Comment

 
Top

Dhagayso oo Follow garee boga aan ku leenahay Sound Cloud ka: Dhag Sii Halkan..

X