.

.
 

Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakatuhu
Qiso diini ah oo aad u qiima badan, in lagu cibra qaatana mudan: Aqri oo ku cibra qaado:

Hada ka hor waxaa dhacay Nin la yiraahdo Anas Binu’Caamir ayaa waxa uu damcay in uu Guursado Qof Dumar ah mana uusan iska arkan oo ma uusan ogeyn sida ay u egtahay, balse waxa uu marwalba jeclaan jiray inuu guursado haweenka ugu quruxda badan,


Kadib markii uu mudo ka maqnaa Xaaskiisaa, waxay suubisay in ay raadiso wayna heshay waxayna ku tiri Anasoo waxaa laga yabaa waxaa baaseesatid in uu Kheyr yahay kuu yahay !!!! ee Walaalow ku soo laabo Gurigaaga, waayahay buu yiri sidii buuna ku raacay ayna ku aqal galeyn, Balse wali waxaa qalbigisa ku jira in uusan ku qanacsaneyn qaabkeeda, hadana mar labaad buu iskaga tagay, Laakiin markaan waxa uu ka maqnaaday 20 Sano, mana oga in xaaskiisa ay u qaaday Uur.
… Markii uu guursaday Habeenkii ugu horeeyay ee Aqalgalkooda ayuu waxa uu Damcay in uu arko wajigeeda sababtoo ah horay ma uusan u arkin, Markii uu arkay Wajigeeda ma uusan farax gelin halkii buuna uga dhaqaayay ayadana aad bay uga danqatay Arintii ay kala kulantay Anas !!

Magaaladii buu hadana dib ugu soo laabtay, markii uu soo galay Magaalada waxa uu ka bilaabay in uu tago Masaajidka si uu ugu tukado labo Ragcadood, markii uu tukaday labadii Ragcadood ayuu waxa uu arkay Sheekh darsi bixinayo dad badana ay dhagaysanayaan, aad buuna ula yaabay waa Wiil yar iyo aqoonta Rabi siiyay, Subxaana’llah, dadkii buu waydiiyay Sheekha magaciisa? waxayna yiraahda waxaa la yiraahdaa Maalik!!!! waxa uu hadana ku yiri Yaa dhalay? waxay yiraahdeyn waxaa dhalay Nin 20 sano ka hor iskaga tagay Magaaladaan Magaciisana waxaa la yiraahdaa Anas.

Maalik buu u tagay waxa uuna ku yiri waxaan rabaa in aan gurigiina kuu raaco balse waxaan istaagayaa Albaabka Gurigiina Hooyadaana waxaad ku tiraahdaa banaanka waxaa taagan Nin waxa uuna ku leeyahay (waxaa laga yabaawaxaa Baasaysatid in uu kheyr kuu yahay) hadalkii markuu ku yiri Wiilkaydii islamrkiiba markii ay ay garatayna ayay waxay ku tiri Wiilkeedii Hooyo waa Aabahaa oo Safar dheer ka yimi ee ka Fur Albaaka Guriga!!!
Ma aysn ku oran wiilkeeda waligeed Aabaha waa iga Hijrooday iyo wax xumaana ahna ugma aysan sheegin, intay kacday ayay si aad u wanaagsan u soo dhaweysay!!!
Midaasi Waa Zawjada Saalixa ah Wiilkaasna waa iimaamkii weynaa ee Imuumu MAALIK
Waana iga Talo Quruxda laguma Qiyaaso Muuqaalka Qofka, Quruxda dhabta waa Diinta. iyo dabeecada.

Aniga walaashin markan qisadan ka hadlo runti wan u riyaaqay gabadhtan saalixada siday ninkeeda samirtey ulana dhaqantey.

Qisaadani hooyada somaliyeed ee akhrisada runti way la dhici waa haday tahay hooyo kitabka iyo sunaha gows dhanbeedka ku qaniinsan..Qisadaani waxay tuusale u tahay hooyoyinka somaliyeed ee raggoda ugu hanjaba hadi khilaaf yar so kala dhex gaalo ilmahaaga indho sari mayso ama ilmahiisa ku dira ilmahina cadow kaaso qaada abiihi..Eeg ukhti qisadan gabadhtan saliixada siiday ula dhaqante ninkeega..Ukhti adiguna inaad ka mid noqodo dumarki wanwanaagsana ee salafka maxa ka hor jooga!!Hadi ninkaaga wanaag u mujiso ama raaliyo u noqodo miyaad dhimaani!!

Gabagabadi aniga oo nafteyda ugu hooreeysin iyo tiinaba illaahay waxan ka baryi inu xaqa na tuso oo na marsho waadaadi dumarki wanagsana ee salaafka amiin ya'allaaah.

Post a Comment

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete

 
Top

Dhagayso oo Follow garee boga aan ku leenahay Sound Cloud ka: Dhag Sii Halkan..

X