.

.
 

 Mucjisaadkii Nabiga (qaybta koowaad)
Nabiga oo u duceeyey dad jiran ilaahaynauu caafimaad ku siiyey


Ilaahay (sw) wuxuu nabiga(scw) siiyey kuna karaameeyey mucjisooyin ka la duwan waxaana ka mid in nabiga nabad gelyo korkiisa ha ahaatee uu dawayn jiray una ducayn jiray qofka  jirran ilaahayna saa uu qofkaa ku siinjiray  caafimaad. Waxaa sugan axaadiisbadan oo arinkaa cadaynaya waxana ka mid ah xadiiskaan soo socda.

فعن سهل بن سعد أنرسول الله صلى الله عليه وسلم قال يوم خيبر: ( لأعطينهذه الراية رجلاً يفتح الله على يديه، يحب الله ورسوله، ويحبه الله ورسوله، قال:فبات الناس يدوكون - يخوضون في الحديث- ليلتهم أيهم يُعطاها؟ قال: فلما أصبح الناسغدوا على رسول الله صلى الله عليه وسلم كلهم يرجون أن يعطاها، فقال: أين علي بن أبي طالب ؟ فقالوا:هو يا رسول الله يشتكي عينيه، قال: فأرسلوا إليه، فأُتي به، فبصق رسول الله صلىالله عليه وسلم في عينيه، ودعا له فبرأ، حتى كأن لم يكن به وجع، فأعطاه الراية ) متفقعليه.
Macnah xadiiska
Wuxuu warinayaa sahal ibnsacad in uu rasuulku nabadgelyo korkiisa ha ahaatee yiri maali khaybar dagaalkeeda la galayey maanta waan u dhiibayaa calanka dagaalka nin uu ilaahay gacantiisa ku furayo khaybar qofkaas oo ilaahay iyo rasuukiisu jecelyihiin isaguna uu jecelayahay. Wuxuu yiri dadkii waxay bilaabeen in ay is waydiiyaan  arinkaa ninkaa uu nabigu csw sidaa u amaanay oo la siin doono calanka dagaalka. Markii uu waagu baryey ayay saxaabadu nabiga uyimaadeen qof walbana isagoo rajaynaya inuu noqdo qofka calanka loo dhiibayo oo ay ilaahay iyo nabigiisu jecel yihiin. Nabigu nabadgelyo kor kiisaa ha ahaateeayaa wuxuu yiri aaway Cali ibn abii daalib? Indhuhuu ka jiran yahay ayaa loogu jawaabay, ii keena ayuu yiri nabigu nabad gelyo korkiisa ha ahaatee, markii loo keenay Cali oo indhaha laga hayo, nabigu indhaha ku tufay,ilaahayna waa u baryey inuu caafimaad siiyo, isla markiiba xanuunkii indhaha kahayey waa ka ba’ay waxaad moodaa inuusan waligii ka xanuunsan indhaha ka dibnacalankii dagaalka ayuu qaatay.

Xadiiskaa waxaan ka aragnaamid ka mid ah mucjisadkii nabiga in markii ku tufay  ilahayna u baryey in ilaahay caafiyeyxanuunkii hayey cali.

Sidoo kale waxaa dhacday in mar ay timi haweenay xanuunsan sida uu xadiiskaan hoose na tusayo.

ففي الحديث أن امرأة سوداء أتت النبي صلى اللهعليه وسلم قالت: إني أصرع وإني أتكشف، فادع الله لي، قال: ( إن شئتِ صبرت ولك الجنة، وإن شئتِ دعوتُ الله أن يعافيك، قالت: أصبر،قالت: فإني أتكشف، فادع الله أن لا أتكشف، فدعا لها ) متفق عليه

Macnaha xadiiska
Haweenay afrikaan ah ayaa waxay u timi nabiga nabad gelyo korkiisa ha ahaatee waxay ku tiri rasuulkii ilaahayow waxaa qabaa cudurka suuxdinta, markaan suuxana waxaa iga faydanta marada ee ilaahay ii bari, wuxuu nabigu nabad gelyo korkiisa ahaatee ku yiri haddii aad sabarto janno ayaad helaysaa haddii aad rabtana ilaahay ayaan kuu baryayaa si uu kuu caafiyo, waxay ku jawaabtay waan sabrayaa laakin maradaa iga faydanta markaan suuxo ee ilaahay ii bari inaan maradu iga faydmin, nabiga csw ayaa ilaah u baryey waligeed markay suuxdo maradu kama dhicin.
Muddo ka bacdi waxaa lagawariyaa cabilaahi ibnu cabaas inuu oranjiray qofkii raba inuu arko qof ahlu janno ah oo dhulka ku kor soconaya ha arkogabadhaa xabashiyadda ah .

Ducada nabigu nabadgelyo korkiisa ha ahaatee waxay raad aad iyo aad u wayn sida laga wariyey ibnu qayinwuxuu yiri markii uu ka hadlayey raadka ay ducadu reebto.

وأن علاج الأرواح بالدعوات والتوجه إلى اللهيفعل ما لا يناله علاج الأطباء، وأن تأثيره وفعله وتأثر الطبيعة عنه وانفعالهاأعظم من تأثير الأدوية البدنية وانفعال الطبيعة عنها، وقد جربنا هذا مراراً نحنوغيرنا، وعقلاء الأطباء معترفون بأن لفعل القوى النفسية وانفعالاتها في شفاءالأمراض عجائب".

Macnaha hadalka inbu-qayim

Nafta oo lagu daweeyo ducada ilaahay xagiisana loola jeesto waxay samaysaa ducadaasi wax aayan gaari karin dawada dhakhaatiirta, raadka ay reebtana waxay ka fiican tahay raadka ay reebto dawadu, waanu tijaabinay anaga iyo dad kaleba wax badan, dhaqaatiirtuna way aqoonsan yihiin in ay awood xoogan ducadu ku leedahay cudurada.


Waxaa kale oo jirtay in nabigu nabad gelyo korkiisa ha ahaatee masaxi jiray dadka xanuunsan amadhibaataysan sida ku dhacday nin  saxaabiah oo la dhaho Cabdulaahi bin Catiik oo lugta ka jabay markii uu ka soo laabtaydilitaankii Abii raafic oo yahuudi ahaa

 فقال لهالنبي صلى الله عليه وسلم : ( ابسط رجلك، قال: فبسطتُرجلي، فمسحها، فكأنها لم أشتكها قط ) رواه البخاري
Macnaha xadiiska
Nabiga csw ayaa cabdilaahi inbucatiik wuxuu ku yiri: kala bixi lugtaada, wuxuu yiri waan fidiyey lugtayda,nabigu ayaa masaxay lugtaydii waxaad i moodaa in aanan waligay xanuun iga qabanlugtadii.

Sidoo kale mar kale ayuunabigu wuxuu ku tufay una duceeyey Saxaabi magaciisu yahay Salamatu ibn Akwac.

فعن يزيد بن أبيعبيد قال: ( رأيت أثر ضربة في ساق سلمة ، فقلت: يا أبا مسلمما هذه الضربة؟ فقال: هذه ضربة أصابتني يوم خيبر، فقال الناس: أصيب سلمة، فأتيتالنبي صلى الله عليه وسلم فنفث فيه ثلاث نفثات، فما اشتكيتها حتى الساعة ) رواهالبخاري .
Macnaha xadiiska:
Waxaa Yasiid inb abi Cubaydlaga wariey inuu yiri waxay lugta Salamata bnu Akwac ku arkay nabar waa hore kudhacay, waxaan ku iri maxay tahay nabarkani wuxuu yiri maalintii Khaybar ayaa laygu dhuftay, markaas ayaa dadkii waxay yiraahdeen Salama waxbaa ku dhacay,nabiga csw ayaan u imi markaas ayuu saddex goor ku tufay, intii ka dambaysay wax xanuunah ma dareemin.

Arimaha aan soo sheegnay waawax ka mid nabiga csw mucjisooyinkiisa iyo sidii uu wax ugu dawayn jiray ducadiisa iyo ilaahay sida uu nabiga csw uga aqbali jiray.

Wabilaahi tawfiiq

Waxaa diyaariyey
C/qani Qardhaawi
qardhaawi@yahoo.com


DHAGAYSO MUXAADARO KU SAABSAN RASUULKA ILLAAHAY SCW 

Post a Comment

 
Top

Dhagayso oo Follow garee boga aan ku leenahay Sound Cloud ka: Dhag Sii Halkan..

X