.

.
 

.Ka fogow ka-qaybgalka iyo qabanqaabinta shirarka qabyaaladeed. Waqtigaaga ku bixi meelaha dantaada gaarka iyo tan guud ee ummaddaada ay ku jirto. Ka qayb gal shirarka dib u dhisidda qaran-nimada ummadda. Waxaad ku dadaashaa in aad ka sheekeyso macaanka qarinimadu leedahay iyo qadhaadhka qabiilku leeyahay. Runta kaga dhawaaq meelaha la isugu yimaado adigoo dhaleeceynaya qabyaaladda, dhibteedadana muujinaaya.

Maalkaaga iyo muruqaaga ka mamnuuc qabyaalad. Waad ogtahay in wixii aad ku bixiso qabyaalad in aanay adna dan kuu ahayn ummaddaada dan u ahayn. Weliba Akhiro waxaa laguu haystaa wax kasta oo xumaan-qabyaaladeed oo ka yimaada maalkaaga, muruqaaga iyo afkaaga oo aad ku bixiso taageero qabiil.

Iska daa dacaayadaha nacaybka(hateful criticism). Dacaayadaha riqiiska ah af ama qoraal ee bulshada Soomaaliyeed ee aad ka mid tahay iska jooji. Cadiifada qabyaalada ee bulshada kala kaxaynaysa. Waxaad ka digtoonaataa in ay caadifadda qabyaaladu ku beer-qaaddo. Ha u jixin-jixin qabiil gaar ah adigoo u  jixin-jixi kara qaranka Somaliland /Soomaaliyeed oo dhan. Ogow, dhammaan ummadda Soomaaliyeed way  kuu siman yihiin. Kala saarna mabda’a siyaasadeed iyo soomalinimada. Somalilander ahoow ama konfur soomaliyeed Gaf loo geysto qayb ka mid ah ummadda Soomaaliyeed waxay la mid tahay mid loo geystay dhammaan ummaddu sida ay u dhan tahay. Qir jirintaanka Somaliland iyo jirintaanka soomaliya midba ka kale. Waayo, inaguunbaa walaalo ah, isku cadowna ah.

Faalo ama Comments kaaga hoos ku bixi

Post a Comment

 
Top

Dhagayso oo Follow garee boga aan ku leenahay Sound Cloud ka: Dhag Sii Halkan..

X